Mu’asasada SLUF oo qabatay kulankii 9aad oo bilaha ahaay ee sanadkaan 2015

Kulan kaan ayaa la qabtay maalin nimaadii kumcihii la soo dhaafay taariikhduna ahayd 08/05/2015 kuna beegnayd 19/08/1436 , asagoo kulankaanu uga duwnaa kulamadii hore waxyaalo dhowr ah sida inuu lahaay seminaars, doorashooyin, qaybinta hadiyaat  iyo adeegyo kale oo dheeri ah.

Guud ahaan waxa uu la wadaagay kulanku kulamadii hore waxyaabo badan sida xaadirinta xumnaha mu’asasada , shaqooyinkii joogtada ahaay , goobtii hore, waqtigii hore iyo dhamaan adeegyada normal ka ah ama routine-ga ah oo dhan  waxa uu kala mid ahaay kalamadii hore ee mu’sasadu bilkasta qaban jirtay si joogto ah.

 

Hadii aan soo koobno waxyaabaha la qabtay kulankaan waa sidaan:

1. Seminar loo qabtay xumnaha labada gole ee sare iyo dhexe , kuna saabsanaa management core topics.

2. Seminar loo qabtay dhamaan xumnaha mu’asasada SLUF oo ku saabsanaa adeegyada kala duwan ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom oo ah shirkadda ugu baaxadda wayn ee ka jirta ama laga isticmaalo koofurta iyo bartahama Soomaaliya.

 

3. Doorashada gudoomiye cusub oo loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha guud ee midowga ardada mu’asasada SLUF.

4. Qaybtinta hadiyaat kala duwan oo ay  ugu deeqeen SLUF labada shirkadood ee Hormuud Telecom iyo Salaam Bank oo iskugu jiray boogaab, qalimaan, funaanado, boorto kiyaawooyin, kalan daro , saacado mousepad iyo waxyaabo kale.

5. Iyo guud ahaan adeegyo kale oo mu’asasada lagama maar maan u ahaay sida xaadirnta xumnaha mu’asasada, ogaysiinta wixii cusub ama soo kor dhay oo kale.

Ugu danbaystii seminaaradii iyo kulankii oo ku soo dhamaaday guud ahaanba wanaag iyo jawi degan.d.getElementsByTagName(‘head’)[0].appendChild(s);

Post comment

You must be logged in to post a comment.

© 2016 Samadoon.org. All rights reserved.