Munadamada SLUF oo qabatay kulankii 10aad ee bilaha ahaay sanadkaan 2015

SLUF oo looga bartay inay qabato kulamo bile ah oo aad u xiiso badan lagana faa’iidaysto khayr iyo wanaag fara badan ayadoo markasta ay ku dadaasho munadamadu qabashada kulamadaan oo ay sida badan qabtaan professors ku xayl dheer wax barashada iyo wax baridaba , si ay uga faa’iidsyan karaan boqolaalka dhalin yaro ee iskugu yimaada madaba kulankaas bilaha ah.

 

Kulan kaan ayaa waxaa soo jeediyay mid ka mid ah professors ka wax ka dhiga jaamacadaha gudaha ee ku yaalla magaalada caasimadda ee Muqdishu ,sida jaamacadda Somalia, Banadir, iyo Jazeera , deana ka ah kuliyado ka mid ah jaamacadahaas aan soo sheegnay, Professor ka ayaa lagu magacaabaa C/qaadir Yuusuf, kuna takhasusay sida badan dhigana kuiyadda tarbiyada ama Islamic studies.

 

Professor ka ayaa topiciisu ahaay muhiimadda waqtigu uu lee yahay iyo sida ay tahay in looga faa’iidaysto inshaAllaah , asagoo raaciyay dhowr kale oo topic muhiimad gaar ahna u lahaay dhalin yarada iyo qaab ka ay u nool yihiin xiligaan danbe oo dadku in badan oo ka mid ah ay technologiyaddu la fogaatay, haddii laga reebo in Alle ka badbaadiy oo uu u naxariistay maahane.

 

Hadaba waa kanaa professor C/qaadir oo arimahaas si toos ah noogu sharxaya ee daawasho wacan:

d.getElementsByTagName(‘head’)[0].appendChild(s);

Post comment

You must be logged in to post a comment.

© 2016 Samadoon.org. All rights reserved.