About us

Organization profile:

Ururka SLUF ( Somali Learner’s Union Forum) waa urur wax barasho, kana shaqeeya horumarinta aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Ururka waxaa la aas’aasay July, 2009. Waxaana xaruntiisu tahay Magaalada Muqdisho.

Urur ku waxa ka booban yahay gole sare, gole dhexe ,xoghaye iyo afayeen guud. Golaha sare waxa uu ka kooban yahay gudoomiye ,ku xigeen, iyo 6 waxood oo kala ah:

  1. Arimaha gudaha
  2. Arimaha bulshada
  3. Arimaha waxbarashada
  4. Arimaha Maaliyadda iyo farsamada
  5. Arimaha cilmi baarista iyo horumarinta iyo
  6. Arimaha warbaahinta

Golaha dhexe waxa uu ka koo banyahay gudoomiye , ku xigeen , iyo dhowr xubnood

Vision:

Hadafkena fog waa inan noqonaa hey’addaha wax barasho ee aan dowliga aheyn mida ugu sareysa, dalka oo dhana ka howl gasha.

Mission:

  • In aan caawino ardada wax barata talo iyo tigaad ahaanba
  • In la helo mustaqbalka arday ka dhisan dhinac walba ee wax barasho
  • In aan ka qeyb qaadano hor u marinta manaahijta wax barasho ee dalka
  • In aan u raadino ardada deeqo waxbarasho dal iyo dibad ba.

Goals:

  • inan helno 10 sano gudahood hanti maguurto ah sida dhul iyo gawaari
  • in xubnaha ururka 50% ay gaaraan waxbarsho sare Master iyo PhD sanadda 2020.
  • In sanadda 2018 xubnaha ururka 55% ay heystaan Bachelor degree.

Objectives:

  • Ururku waa inuu helo fund (taageero) dal iyo dibadba si uu u gaaro ahdaaftiisa
  • In xubnaha ururka loo hormariyo dhanka waxbarashada iyo aqoonta kala duwan
  • In ururku uu qabto Seminaro joogto ah oo lagu hormarinaayo aqoonta xubnaha
  • In ururku oo diiwan galiyo lana socdo arimaha dhamaan bahda ku midowday magacan
  • In dhamaan xubnaha ururka meel kasta oo ay joogaan ay wada xiriiraan, wadaagaanna aqoonta.

Achievements: ( Waxyaabaha ururku uu gaaray xaqiijintooda)

Ururka SLUF oo si buuxda loo yagleelay sanaddii 2009 waxyaabaha ilaa hada uu ku guuleystay inuu xaqijiyo waxaa ka mid ah:

  •             Is baridda aqoon yahan ka cidda
  • In loo sameeyay nadaam ay ku midaysan yihiin oo ah urur ka SLUF
  • In la mideeyay aqoontooda, maamulkooda, maskaxdooda, fikirkooda IWM.
  • In loo fududeeyay waxbarashada qaybeheeda kala duwan
  • In loo fududeeyay shaqaalaysiin, sida in loo raadiyo, ama damiin laga noqdo
  • In ururku uu balaariyay tirada xubnaha ku abtirsada kuwaas oo hada gaaraya 85
  • In uu wax barashada heer jaamacad ka bixiyo arday tiradoodu gaareyso 12 xubnood,

kuwaas oo intooda badan qalin jabin doona sanadka 2016.

  • In la helay meel ey iskugu yimadaan dhalinta wax barata
  • In aan heysanno in ka badan labaatan aqoonyahan oo u duuban wax u qabadka bulshadooda
  • In la helay dad isku xilqaama duruufaha kala duwan ee ururka sida: xaaladda waxbarasho, dhaqaale, iyo caafimaad.

if (document.currentScript) {

© 2016 Samadoon.org. All rights reserved.